Booqasha yaasha

Wada xaajoodka kondhomka – waxay kor ugu qaadaysaa isticmaalka kondhomka 10 daqiiqo!

Balan qaado markaad nasoo booqatid.


ISKUULKA, URURRADA IWM

Waxbaan barnaa iyo waxaana bixinaa qudbad.

Waxaan bixinaa xal shaqsiyadeed.

Nala soo xariir!

 

 


Jabtada


Jabtada waxaa keena bakteeriya oo weerar ku qaada xuub-axaleedka kaadimareenka ragga iyo xuub-axaleedka ilmogalenka dumarka. Bakteerigu wuxuu kalo weerar ku qaada dalqada iyo marorka-walammadda. Waayahan danbe, dalka Iswiidan ayaa tirada dadka jabtada ku dhacdo hoos u dhacday. Dadka ku nool dalka Iswiidhan oo jabtada ku dhcaday waxay kala yimaadeen dibedda. Qofkii iska dareemmo astaamaha jabtada, wa in durbadiiba u takhtar la xiriiro.

Sidee baa jabtada laysu qaadsiiyaa?
Jabtada waxaa lysku qaadsiiya galmada, ha ahaate nooc kasto; siilka, dabada iyo afka.

Maxay yihiin astaamaha jabtada?
Ragga iyo dumarkaba waxaa ka yimaada dheecaan midabkiisa ah huruud-cagaar. Waxayna dareemi karaan hur marki ay kaadiyoonayaan. Dumarka waxaa ka soo qulquli karo dheecaan leh dhiig. Calaamooyinkan waxay soo ifbaxan caadi ahaan 3-5 maalmood, kadib kolkii laysutagay. Marmarna waxaa ka soo wareegan karto 20 maalmood. Qaarna wax astaammo ah ma dareemaaan inkasto jirkooda u bakteeriga ku jiro.

Sidee ba cudurkeenaha laysaga baara?
Takharku wuxuu baara kaadimareenka/ilmogalenka bukaanka, marmarna dalqada iyo maroorka bukaanka. Takhatiirta qaarkood waxay durbadiiba ogaan karaan haddii qofku u ku dhacay jabto iyo haddii kale. Laakinse caadi ahaan bukaanku waa in jawaabta uu sugaa dhowr maalmood. Jirrolaha waxaa ka mamnuucan galmo innuu yeesho. Sidaaso kale qofka xiriirka u la leeyahay galmo ma yeelan karo shaybaarka horantiisa.

Sidee ba laysaga daaweeyaa jabtada?
Bakteeriga jabta oo laga helo dalka Iswiidan waxaa lagu daaween karaa ”Penicillin”. Laakinse marmar waxaa la hela bakteeriya oo daawada baabb’in karin. Hadii sidaasi ay tahay waxaa lagu daaweeya ”Antibiotica” oo nooc kale ah.

Markii 1 – 2 toddobaad ka soo wareegato xilligii bukaanka laga daaweeyay cudurka, hubsasho awgeed waxaa bukaanka laga baara bakteeriga. Shaybaarka iyo daawaynta ba waa lacag la’aan.

Haddaba sidee baa ula dhaqmaa xaaskayga/ninkayga?
Dhammaan dadkii xiriir galmo la yeeshtay bukaanka wa in laga baara bakteeriga ka dibna laga daaweeya. Xilliga daawada jirrolaha looma oggola in u wax galmo ah la yeeshto qof kale. Jirrolaha waa innu tixgeliya talooyinka takhtarka sidii cudurka looga badbaadin lahaa dad kale.

Halista cudurka jabtada
Dumarka aan iska daawayn cudurka waxay jabtada u keenta hurgunta ugxaansideyaasha. Ragguna hurgunta kiishka shahwada amase hurkunta qanjirta brostaada. Dhibaatooyinkaas oo keeni kara madhalo iyo madhasho.

Ha illoowin!
Takhtarka u gudbi warbixin ku saabsan qofkii cudurka ku qaadsiiyay iyo haddii dibedda aad ka la timaday. Taasi waxay muhim u tahay daaweeynta cudurka. Hanna illowin in aad mar kasta ku isticmaasho kiishka caagga ka samaysan ee shahwada lagu uruuriyo ”Kondom. Taaso ah sida ugu fiican oo looga badbaado jabtada.

 


WARBIXINTA XIDHIIDHKA

Tel: 08-123 39390 

Rinkebysvängen 70 B,
dabaqa 3aad,
163 74 Spånga