Booqasha yaasha

Wada xaajoodka kondhomka – waxay kor ugu qaadaysaa isticmaalka kondhomka 10 daqiiqo!

Balan qaado markaad nasoo booqatid.


ISKUULKA, URURRADA IWM

Waxbaan barnaa iyo waxaana bixinaa qudbad.

Waxaan bixinaa xal shaqsiyadeed.

Nala soo xariir!

 

 


Femidom – waa mid lagu beddelan karo


waxa jira kondhomyo loogu talo-galay haweenka. Way adagtahay in la helo, laakiin waxa laga iibsan karaa internetka. Kani wuxu noqon karaa mid lagu beddesho kondhomka caadiga ah haddii aanad isticmaalkiisa jeclayn.

Komdhomka dumarka waxa lagu magacaabaa Femidom, waana sida kondomyada kale oo waxa laga sameeyey cinjir ama bac. Sida loo isticmaalayo femidhomka, waa in la dhexgeliyo siilka. Sidaas ayuu sidii kiish ugu dhexjirayaa una ilaalinayaa marka qooruhu dhexgalo siilka.  

Femidhom waxa kale oo la isticmaali karaa haddii aad u galmoonayso nin. Markan futada ayaa laga gelinayaa labadiina ka la gelinayo qooreha ninka kale. In Femidhomka lagu magacaabo kondhom-haween waa khalad inkasta oo sidaas lagu suuq geliyey.

Qiimaha Femidhom wuu kala duwanyahay, laakiin wuu ka qaalisanyahay kondhomka. Femidhomka laguma iibiyo Iswiidhan wakhtigan xaaliga ah. Haddii aad ka baart internetka waxad heli bogag lagu iibinayo.


 


WARBIXINTA XIDHIIDHKA

Tel: 08-123 39390 

Rinkebysvängen 70 B,
dabaqa 3aad,
163 74 Spånga