Xeerka Cudurada Gudbi kara
Shanta caadood ee ugu badan ee cudurada la kala qaado (Chlamydia, gonorrhoea, HIV, syphilis and hepatitis B) dhamaan waxay hoos yimaadaan Xeerka Cudurada Gudbi kara. Ujeedadu waa in laga hortago cudurada ku fidaya
Xuquuqdaadu waxaa kamid ah inaadan ku bixin wax lacag ah baaritaanka cuduradan. Haddii aad u baahan tahay daaweyn caafimaad, xataa waa bilaash, xiliga
lagu daweenayo, laguuma ogola inaad wax galma ah sameyso. Ujeedadani waa inaadan faafin cudurkan.
Waajibaad kaagu waa inaad ka qayb qaadato raadinta lamaanahaaga haddii ay cadaato inaad jirran tahay. Siddana waxaa loo qabanaya si qarsoodi ah.
