Kondhom-yada
Guji dhanka bidix oo ku saabsan kondomyada
Waxa jira laba nooc oo ka mid ah caagga kondhomka loo yaqaan- kondhomyo cinjir ah iyo kondhomyo bac ah. Kondhomku wuxu ku siinayaa fursad aad iskaga ilaaliso cudurrada galmada iyo uuraysiga aanad rabin.
Kondhomka cinjirka ahi waa ka caanka ah, isaga ayaana ka jaban ka bacda ah. Waxa jira noocyo badan oo kala duwan: waynaan kala duwan, midabo iyo muuqaallo. Kondhomka bacda ahi waa mid lagu doorsan karo komdhomka cinjirka ah haddii wehelkaagu xasaasiyad ku leeyahay latexgummi ama siyaabo kaleba aanu u jeclayn kondhomka cinjirka ah. Komdhomka bacda ahi wuu ka khafiifsanyahay kana gudbin-ogyahay diirrimaadka ka cinjirka ah. Dhinaca kale uma kala baxbaxayo sida ka cinjirka ah oo rafaad yar ayuu keeni karaa.
